Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland oo mooshin laga keenay

Golaha Guurtida Somaliland ayaa waxaa kadhex istaadhan mooshin la doonayo in xilka laga qaado Guddomiyha Golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan waxaana maalintii shalay qaar ka tirsan xildhibaanadu ay soo jeediyeen in dib loo furo xeer-hoosaadka Golaha kaas oo awaadda golaha oo dhan siinaya Guddoomiyaha Guurtida, muddo sawaxan iyo buuq ka dib waxaa laysla qaatay in arrinkaasi gacantaag la galiyo oo maalinta sabtida ah loo balamo, Mooshinkan ayaa waxaa wadda xildhibaano tiro badan oo uu ka mid yihiin:

 

1- Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin “Dheeg”

2- Xildhibaan Dayib Xasan Muxumed

3- Xildhibaan Cawil Dhawiil Xasan

4- Xildhibaan Cabdicasiis Boosh-cadde

5- Xildhibaan Siciid Cabdilaahi Yasir

6- Xildhibaan Cabdiraxmaan Laangadhe-libaaxo

7- Xildhibaan Faysal Ciise Ubaxle

8- Xildhibaan Xirsi Ciise Jaamac

8- Xildhibaan Jirde

9- Xildhibaan Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxaan

Intan oo kaliya kuma koobna Xildhibaanada doonaya in Xeer hoosaanka golaha dib loo furo balse waxaa jira kuwo kale oo iyaguna Hanqalka taagaya haddii golahu u coddeeyo in Cod la galiyo furitaanka Xeerkani.

Xeer-hoosaadkan ayaa haddii la furro oo golahu ogolaado waxaa la doonayaa in Xilkooda ay waayaan Shirguddoonka golahaaasi.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook