Luis Enrique oo loo magacaabay Macalinka xulka Spain

Macalinkii hore kooxda Barcelona Luis Enrique ayaa si rasmi ah loogu magacaabay hogaaminta xulka Spain.

Luis Rubiales oo ah madaxweynaha xiriirka kubada cagta Spain ayaa shaaca ka qaaday in Enrique masuuliyada xulka Spain lagu wareejiyay.

24-saac kadib markii Fernando Hierro oo si ku meel gaar ah xulka Spain u hogaaminayay intuu uu koobka aduunka socday jagada iska dhiibay waxay xiriirka Spain kaga jawaab celiyeen inay Enrique shaqada u dhiibaan.

Luis Enrique ayaa hamuun qabay inuu xirfadiisa ku shaqeeyo madaama uu 12-bilood shaqo la’aan ahaa tan iyo markii Barcelona uu isaga tagay sanadkii hore.

Luis Enrique oo 48-jir ah ayaa xulka Spain usoo cayaaray 62-kulan wuxuuna u dhaliyay 12-gool asigoo kala qayb qaatay 1994, 1998 iyo 2002 koobabkii aduunka ee la cayaaray.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook