Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho kula Kulmaya Wafdi sare oo ka socda Imaaraadka

Warar hoose oo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu magaalada Muqdisho kula kulmayo Wafuud ka socota Dowlada Imaaraadka Carabta.

Shalay waxaa Magaalada Muqdisho ku kulmay Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan waxayna kawada hadleen sidii loosoo celin lahaa xiriirkii wanaagsanaa ee u dhaxeeyay Labada Dowladood.

Labada Dhinac ayaa Intii uu socday kulanka waxay isla garteen in Guddi ka socda dowlada Imaaraadka oo Muqdisho imaanaya ay kulan la iskugu soo dhawaanayo Labada dhinac la yeeshaan Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana kulankaasi uu noqon doonaa mid labada dhinac ay kusoo bandhigi doonaan waxyaabaha ay kala tirsanayaan si loo heshiiyo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dowlada Imaaraadka hordhigi doono shuruudo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan tahay inay fara galinta ka deyso arrimaha siyaasada Soomaaliya iyo kulamada dowlada Federaalka lagu dhabar jibinayo oo ay la qaadanayaan Madaxda Maamul Gobaleedyada.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho kula Kulmaya Wafdi sare oo ka socda Imaaraadka”

  1. NuurkaNederland says:

    NO MORE UAE
    UAE HA LOO SHEEGO SOMALIDU IN AYSAN AHAYN YEMEN OO KALE!.
    UAE WAXAY KA MID TAHAY KUWA FANGAREEYA ISIS IWM.
    GO FUCK YOUR SELF
    TOILET PAPER.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook