Maxay tahay sababta xilka looga qaaday Wasiirkii Diinta & Awqaafta ?

Digreeto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xilka looga qaaday wasiirkii Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta Dowladda Soomaaliya Xildhibaan Xasan Macallim Xuseen.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa akhriyay digreetada xilka looga qaaday Wasiirkii Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya Xasan Macallim Xuseen,wuxuuna sheegay in xilkaasi si KMG ah loogu dhiibay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya C/xakiim Xasan Ibraahim Ashkir.

” Digreeto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre maanta oo taariikhdu ay tahay 9-ka bisha Luulyo sanadka 2018-ka,waxaa xilkii Wasiirnimada looga qaaday Wasiirkii hore ee Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xildhibaan Xasan Macallim Xuseen,waxaa xilkaasi kusime ka ahaan doona Wasiiru Dowlaha isla Wasaaraddaasi C/xakiim Xasan Ibraahim Ashkir waana Mahadsan tihiin,” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta oo warbaahinta Dowladda ka Akhriyay digreetada Xilka ka qaadista.

Xil ka qaadista Wasiirkan ayaa timid, iyadoo is qab qabsi xooggan uu ka jiro arrimaha Xajka, kaasoo u dhaxeeya shirkaddo diyaaradeed oo horay u heystay arrimaha xajka iyo shirkad cusub oo dooneysa inay qeyb ka noqoto.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Wasiirka uu dhexda ka galay is qab qabsiga u dhaxeeyay shirkadaha arrimaha xajka ku lug lahaa oo isugu jira kuwo horay u heystay leenka Xajka iyo shirkad kale oo la sheegay inay leeyihiin siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin ku dhow Madaxtooyada.

Xil ka qaadistan ayaa noqoneysa tii labaad oo lagu sameeyo Wasiirka Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta, iyadoo dhamaadkii sanadkii hore ay aheyd markii sidan oo kale xilka looga qaaday wasiirkii wasaaradaas oo lagu magacaabay Iimaan C/llaahi Cali.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Maxay tahay sababta xilka looga qaaday Wasiirkii Diinta & Awqaafta ?”

  1. NuurkaNederland says:

    MUSUQMAASUQA XUJAAJTA.
    SANADKAAN OO AHAA MARKII UGU HOREYSEY EE DFS AY DHAHDO XUJAAJTA ANAGAA XAJISIINAYNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook