Prof: Axmed Ismaaciil Samatar oo tagay Jiida hore ee Tuka-raq +VIDEO

Prof: Axmed Cismaaciil Samatar ayaa booqday jiida hore ee dagaalka Tukaraq oo ay isku horfadhiyaan Ciidamada Somaliland iyo Puntland,isagoona Ciidamada Somaliland ugu deeqay 50-Neef oo Ari ah.

Axmed Cismaaciil Samatar ayaa ku booriyay Ciidamada Somaliland ee ku sugan Jiida hore dagaalka Gobolka Sool iney adkeystaan,islamarkaana ay dhowraan midnimada iyo Qaranimada Somaliland,sida uu hadalka u dhigay.

Axmed Cismaaciil Samatar oo ah Aqoonyahan caan ah siyaasaddana wax badan ka fahasan ayaa hadda u ololeeya madax banaaninada Somaliland ka dib markii sanadkii 2012-dii looga adkaaday doorasho ka dhacday Muqdisho,markaasi oo u wareegtay Somaliland halkaasina ka bilaabay ololahiisa siyaasadeed ee raadinta madax banaanida Somaliland.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday iney Somaliland inteeda kale ka go’day inkastoo wali aysan ictiraaf Dowladeed ka helin beesha caalamka walina loo arko Maamul Gobolleed Xubin ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook