Shan qof oo Somali ah oo lagu gowracay Itoobiya

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya tuulada Guuleed oo u dhaxeysa deeganada Oromada iyo Somalida ee dalka Itoobiya, Shan ruux oo Somali ah ayaa lagu gowracay deegaankaasi.

Shanta ruux ee Somalida ah ayaa waxaa gowracay dabley hubaysan oo Oromada ka soo jeeda, kadib markii ay ku weerareen goob ay ku sugnaayeen, sida uu xaqiijiyay Nabadoon Maxamed Maxamuud.

Nabadoonkaan, ayaa sheegay wali inuu socdo dagaalka Somalida iyo Oromada ka dhex taagan, sidoo kalena labada dhinac ay is ugaarsanayaan oo dad kala duwan ay iska dilayaan.

“Xaaladda deegaanka aad bay uga dartay, Shan qof oo Soomaali ah ayeey Oromadu Gowraceen, dagaalka wuu sii socdaa oo Labada dhinacba sidan bay isku dilayaan, xalna ma jiro.” ayuu yiri Nabadoonka.

Illaa hadda ma jirto cid si toos ah u kala dhex gashay dilalka iyo beegsiga ay isku hayaan Qowmiyadaha Oromada iyo Somalida dalka Itoobiya degta, waxayna yihiin kuwa wali isku hub aruursanaya.

Odayaasha Somalida ah ee deeganadaasi degan ayaa ka digaya xaalada inay intaan ka sii Qatar badnaado, haddii beegsiga iyo dilalka ay sii socdaan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Shan qof oo Somali ah oo lagu gowracay Itoobiya”

  1. NuurkaNederland says:

    LIBAAX DUQOOBAY DAWACAA KU DHEELDHEESHA.
    SOMALIDU MA JECLA DAGAALKA OROMO LKN OROMO WAXAY KU DIRQINAYSAA SOMALIDA ETHIOPIA IN AY LA DAGAALAMAAN.
    WAYNA LA DAGAALAMI.
    ABEED ABEED ABEED BAA LAGAGA YEERSIIN OROMADA.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook