Shaqada Jose Mourinho oo la filayo inay saddexdan macallin bedelaan

Macallin Jose Mourinho ayaa xurguf ay la dhex timid madaxda kooxda Manchester United ka dib markii ay isku qabteen siyaasadda suuqa kala iibsiga ed xagaaga.

Mou ayaa xaqiijiyay in madaxda United uu dhowr bilood ka hor u gudbiyay liis uu ku doonayo inuu lasoo saxiixdo xagaagan, welina uusan helin qayb ka mid ah xiddigihii uu rabay.

Haddaba waxaynu halkaan idin kula wadaagi doonnaa saddex macallin kuwaas oo noqon kara beddelka macallinka reer Portugal haddii uu ka tago shaqada kooxda Red Devils.

1- Zinedine Zidane:

Halyeygii hore ee France ayaa isaga soo tagay shaqada kooxda Real Madrid keliya shan maalmood ka dib koobkiisii saddexaad ee Champions League-ga oo xiriir ah.

Tan iyo xilligaasna ma uusan ahay mid haya shaqo tababarennimo, inkastoo falsafaddiisa ciyaareed ay qancisay dad badan oo kubadda ku shaqo leh.

2- Laurent Blanc:

Difaacii hore ee Manchester United ayaa 2016 isaga tagay shaqada Paris Saint-Germain, ka dib markii uu shaqadaas la wareegay macallinka hadda haya Arsenal ee Unai Emer.

Waxa uu Blanc ka mid ahaa tababareyaal dhowr ah oo lala xiriiriyay Chelsea ka hor inta aysan xooggeeda isugu geyn Maurizio Sarri.

Maadaama uu Faransiiskan horay ugu soo ciyaaray Red Devils, waxaa loo arkaa mid ka mid ah kuwa ugu habboon ka dib Jose ee ka talin kara Old Trafford.

3- Antoine Conte:

Macallinka reer Italy ayaa dhowaan laga ceyriyay shaqada Chelsea isagoo horraan shaqadaas kaga bedelay Jose Mourinho oo laga soo buriyay Stamford Bridge.

Conte ayaa hadda shaqo la’aan ah, taasoo soo de-dejisay in loo saadaaliyo inuu mar kale Jose shaqo ka badali doono.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook