Shil dhimaasho iyo khasaaro dhaliyay oo ka dhacay Kenya

Shil gaari oo khasaaro dhaliyay ayaa ka dhacay wadada Xariirisa magaalooyinka Mombasa iyo Nairobi ee dalka Kenya.

Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 9 ruux ayaa ku dhintay shilkaasi Gaari waxaana sidoo kale ku dhaawacmay in ka badan 20 ruux oo ka mid ahaa dadkii saarnay Gaarigaasi shilka galay.

Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen Gaari weyn oo ah nuuca xamuulka qaada iyo Bas ay la socdeen dad shacab ah.

Guddoomiyaha Degaanka Makueni Mohammed Maalim ayaa sheegay in dadkii dhaawaca ahaa loo cararay goobaha caafimaadka.

Sidoo kale dadkii la socday Gawaarida isku dhacay ee ka bad baaday ayaa sheegay in mar qura ay ka war heleyn labada Gaari oo madaxa isla galay iyo holac ka dhashay isku dhaca Gawaarida.

Laamaha amaanka ee Kenya ayaa dhankooda sheegay in wadaan baaritaano ku aadan sababta dhalisay isku dhaca Gawaaridaasi.

Dalka Kenya ayaa ka mid ah wadamada Afrika dhaca ee sanad walba ay ka dhacaan shilal khasaaro geysta.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook