Sweden oo usoo gudubtay wareegga Sideed dhammaadka Koobka Adduunka +SAWIRRO+VIDEO

Gool uu qeybtii labaad ee ciyaarta dhaliyay xiddiga ugu firfircoon Sweden Emil Forsberg ayaa ka saaciday qaranka reer Yurub iney u gudbaan wareega quarter final-ka koobka Adduunka, waxeyna tartanka ka reebeen qaranka Switzerland.

Qaranka Sweden ayaa si cajiib leh ku socda tan iyo isreeb-reebka waxeyna kasoo baxeen group ay ka hareen wadamada Bulgaria iyo Holland, sidoo kalana waxey tartanka si lama filaan ah uga reebay Italy.

Ciyaarta waxey ku bilaabatay si qurux badan iyadoo labada wadan ay soo bandhigeen qaab qurux badan oo dhan walba ah, Sweden ayaana firfircooni ku bilowday halka daafaca dambe ee Switzerland uu ka muuqday qalqal maadaama ay ganaax ku waayeen laba xiddig oo muhiim ah.

Marnaba labada wadan uma guuleysan iney gool dhaliyaan qeybta hore, balse qeybta labaad ayaa aheyd mid aad u xiiso badan, waxaana gool helay Emil Forsberg oo kubadii uu goolka aadiyay ay kusii dhacday Manuel Akanji.

Wixii markaas ka dambeeyay Sweden waxey ahaayeen difaac halka Switzerlan ay si fiican weerar u galeen balse aysan ku guuleysan.

Daqiiqadihii ugu dambeeyay ciyaarta waxaa xerada ganaaxa lagu tuuray Martin Olsson iyadoo garsoore Skomina uu go’aansaday inuu rigoore dhigo, balse isticmaalka VAR ayaa baajisay oo lagu ogaaday iney laad xor ah tahay.

Natiijada ciyaarta waxey ku dhamaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday Sweden, waxeyna sugi doonaan wadamada England iyo Colombia oo caawa ciyaaraya.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook