Taliyihii shalay kismaayo laga soocayriyay oo tagay Garbahaarey

Taliyaha cusub qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka Jen. Cali Maxamed Maxamuud Bogmadow ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo, kaddib markii saaka laga soo celiyay magaalada Kismaayo.

Wafdi uu hoggaaminayay Taliyaha cusub ee qeybta 43aad ayaa waxaa wehliyay saraakiil ciidan, waxaana Taliyaha soo dhoweeyay maamulka degmada iyo Saraakiil ciidan.

Taliyaha qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka Jen. Cali Bogmadow ayaa sheegay inuu u yimid Garbahaarey sidii uu ugu kuur geli lahaa xaalada ciidanka ee ka howl gala Jubbooyinka iyo Gedo, isagoo xusay in wixii hadda ka dambeeya uu booqan doono goobaha ciidanka ku sugan yihiin.

Waxaa la filayaa in maalinta berri uu Taliyaha si rasmi ula wareego xilkiisa, isla markaana si toos u guda galo howshiisa hoggaaminta Taliska qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka oo fadhigooda yahay Jubbooyinka iyo Gedo.

Maamulka Jubbaland ayaa saaka dib u celiyay diyaarad uu la socday taliyaha cusub oo uu wehliyay Saraakiil uu ka mid ahaa Taliyihii qeybta 43aad ee xilka laga qaaday, waxaana Jubbaland ay sheegtay in aan lagala tashan magacaabida Taliyaha.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Taliyihii shalay kismaayo laga soocayriyay oo tagay Garbahaarey”

  1. origino says:

    waryaa kuwan noo keenay. Somaliya siday labadan nin madax uga noqdeen waxaa bilwday masiibooyin aan is lahayn somalidu way ka gudubtay, Bal eeg dagaalka tukarag , dagaalkii dowladda oiyo galmudug kii shariifka kan hadda socda ee jubbaland ee u doonayo farmaajo civi war in uu ka bilaabo jubbooyinka. labada nin nin wuxuu kasoo jeedaa ceelbuur midna wuxuu kasoo jeedaa caabud waaq waxaaba khalad ahayd dadka saamiga intaa leeg ku leh bulshada somaliyeed inay hogaamiyaan waayo wax kaga baayo ma jirto , tan kale farmaajo waa nin mareexaan ah dalka dhibka gaaray iyagaa masuul ka ah waxaa la yiri dab aadan ku guban dabstiisu ka ma leexatid somalidu dabkii ay ku gubteen maanta danbastiisu way ka leexan waayeen . xilligan nin mareexaan inuu somali hogaamiya waa khalad weyn oo aan laga fiirsan . somaliyeey haddaad ninkan deg deg usu dhaafin wehydaan 30 sano kale waa dagaalameysaan. b alaayadiisa wadaninima xumadiisa qabyaaladdiisa caqli xumadiisa meel aad kasoo noqon doonin ayeey idin geyn doonta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook