Wararkii u danbeeyay : Xiisad ka taagan Tukaraq iyo Rasaas Laga Maqlay

Iyadoo Gobolka Sool ay ka taagan tahay Xiisad u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland ayaa Maanta oo Jimcaha Wararka naga soo gaadhay waxay sheegayaan in goobaha ay isku-hor fadhiyaan Labada ciidan ee deegaanka Tukaraq Xalay laga Maqlay Rasaas Labada dhinac is dhaafsadeen.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in mar qudha ay maqleen jugta hubka fudud iyo midka culus oo ay isku-adeegsanayeen ciidamada labada Maamul ee Somalilnad iyo Puntland.

Khasaaro dhaawac ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhasheen dagaalka, waxaana weli ka hadlin saraakiisha labada dhinac.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa deegaanka Tukaraq waxaa gaadhay Ciidamo aad u farabadan oo ka kala socda labada maamul,taas oo sii hurisay xiisada deegaanka Tukaraq.

Badi dadkii ku noolaa ayaa deegaankaas isaga barakacay si uusan saameyn ugu yeelaan,waxana weli jirin cid kala dhex gashay labada ciidan ee qarka u saaran in ay dagaalamaan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook