Wareegto ka soo baxday Xafiiska RW Kheyre oo xilka looga qaaday Wasiirka…

Digreeto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa xilkii looga qaaday wasiirkii Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta Xasan Macallin Xuseen.

Sidoo kale digreetada ayaa lagu sheegay in xilkaas uu si KMG ah u sii hayn doono wasiiru dowlaha Wasaaradaasi Mudane Cabdixakin Xasan Ibraahim Ashkir.

Lama oga sababta keentay in Xilka laga qaado wasiirkii Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta Xasan Macallin Xuseen,mana lagu faah faahin digreetada xil ka qaadista ee Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ka soo baxday.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook