Wariye Somaliland loogu xiray Su’aal kulul uu weydiiyay Mas’uul ka tirsan M/Somaliland+ video

Magaalada Boorama waxaa lagu xiray Wariye Hoori Axmed Hoori oo Tv-ga Horn cable kaga soo waramaya Gobolka Awdal,waxaana xarigiisa amray Guddoomiyaha Gobolka Awdal C/raxmaan Axmed Cali.

Xariga Wariyaha ayaa ka danbeeyay ka dib markii Guddoomiyaha Gobolka Awdal uu weydiiyay su’aal uu ka carooday oo ku saabsaneynd hadal ka soo yeeray Suldaan Wabar oo dalka dibadda kaga maqan,balse muuqaalkaasi ku faafiyay baraha Bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Awdal ayaa ka cudur daartay inuu ka Jawaabo su’aasha,islamarkaana uusan xog badan arrintaasi uusan ka heyn,waxaana markaasi ka dib soo baxday in xabsiga la dhigay Wariyaha.

Wariyeyaasha ka howlgala Gobolka Awdal ayaa ka carooday tallaabadaasi kuna baaqay in wariyaha xoriyadiisa dib loo siiyo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook