Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha oo xilkii laga qaaday

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa isku shaandheyn kooban ku sameeyay xukuumadiisa toddobo bilood kadib waxana uu xilkii ka qaaday Wasiirkii Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Aadan Maxamed.

Hase yeeshee Madaxweynaha Kenya ayaa u magacaabay Mr Aadan Maxamed Wasiirka wasaarada Horaminta Gobolada iyo Arrimaha Afrikada Bari.

Peter Munye ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha iyadoo Wasaaradaasna ay ka mid tahay wasaaradaha ugu muhiimsan ee dalka Kenya.

Mr Aadan Maxamed Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Warshadaha dalka Kenya ayaa dhowaan ka horyimid eedeymo loo jeediyay kadib markii sokor dhacday lagu arkay gudaha dalka Kenya.

Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale waxa uu magacaabay sagaal safiir kuwaasoo labo ka mid ah loo magacaabay siyaasiyiin ka tirsan xisbiga mucaaradka.

Sidoo kale waxaa xilalkooda dib loogu celiyay qaar ka mid ah xoghayaasha joogtada ah ee wasaaradaha dalka Kenya kuwaasoo shaqo joojin uu hore ugu sameeyay madaxweyne Kenyatta.

Ku xigeenka Afhayeenka madaxtoyada Kenya Kanze Dena ayaa sheegay in go’aanka isku shaandheynta ay tahay mid dib loogu habeynayo dowlada Kenya si loo dadajiyo in la gaaro hadafka xukuumada Kenya.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook