Abaanduulihii Ciidanka Saldhiga Dhexe Ee Gobolka Sanaag Oo Somaliland Ka Goostay

Gaashaanle Dhexe Gamaal Maxamed Baaxad oo ah abaanduulihii ciidamada Somaliland ee Saldhiga Dhexe ee Gobolka Sanaag ayaa wararku ay sheegayaan in uu ka goostay ciidamada Somaliland.

Sarkaalkan iyo ciidamo la socday ayaa la sheegayaa in ay ku biireen ciidamo beeleed uu hogaaminayo Kornayl Caare oo isagu in muddo ah ka sii maqnaa ciidamada Somaliland.

Xukuumadda Somaliland iyo taliska ciidamada ayaanu midkoodna ka hadal wararkaasi, hasayeeshee sarkaalkan iyo ciidamada uu watay ayaa u baxsaday dhinaca uu ka xigo taliye caare.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook