C/casiis Xildhibaan Oo laga soo celiyay Garoonka Hargeysa +SAWIRRO

Afhayeenkii Hore Ee Wasaarada Amniga Qaranka C/casiis Xildhibaan ayaa waxa uu maanta la kulmay Is hortaag ay ku sameeyeen Ciidamada Amniga Soomaaliland.

Garoonka diyaaradaha Cigaal Ee Magaalada Hargeysa ayaa laga soo musaafuriyey C/casiis Cali Ibraahim kaasi oo sheegay in Xarig uu ka bad baaday.

“Waxay igu yiraahdeen Lagu Xiri maayee Waa lagu musaafurinayaa ayuu kusoo qoray C/casiis Xildhibaan Baraha uu Internet-ka ka isticmaalo”.

Maamulka Soomaaliland ayaa xira oo bahdil ku sameeya dadka Muqdisho ka taga Ee Xilalka haya,taasi oo la leeyahay waxay keeni kartaa is naceyb siyaasiyiinta iyo isku gudubkooda ah.

Marar badan ayaa Soomaaliland waxa lagu xiray dad ka tegay Xamar oo Qaarkood Sumcada Soomaaliland jiritaankeeda ku xad gudbay sida ay sheegeen inkastoo la iskii daayey markii dambe.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook