Dhagax-buur Millatariga Itoobiya iyo Ciidanka Liyuu Boolis oo is hor fadhiya

Wararka laga helayo dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan degmada Dhagax-buur ayaa waxa ay sheegayaan in ciidanka Liyuu Boolis iyo Millatariga Itoobiya ay isku hor fadhiyaan halkaasi.

Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib xiisadii ka dhalatay sida magaalada Jigjiga looga waday Madaxweyne hore Cabdi Maxamed Cumar oo hada la soo sheegayo inuu xabsi guri ku yahay magaalada Addis Ababa.

Ciidanka Liyuu Boolis ayaa la sheegay inay ka gadoodeen qaabkii Ciidanka Itoobiya ay magaalada Jigjiga uga kaxeeyeen Cabdi Maxamuud Cumar, waxaana labadan dhinac ay yihiin kuwo is hor fadhiya.

Masuuliyiin ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa ay sheegeen in mar walba laga baqdin qabo in dhinacyadan uu dagaal dhexmaro, maadaama dadaalo badan oo la sameeyay lagu guul dareystay in la kala qaado.

Wararka nasoo gaaraya magalada Dhag-Buur ayaa waxa ay sheegayaan in dadka deegaanka qaarkood ay bilaabeen in ay ka fogaadeen halka ay isku hor-fadhiyaan si hadii uu dagaal dhaco aysan dhibaato uga soo gaarin.

Dhinaca kale Odayaasha Magalada Dhagax-Buur ayaa waxa ay wadaan waan waan ku aadan sidii xal looga gaari lahaa xiisada u dhaxeysa Ciidamada liyuu boolis iyo kuwa federaalka Itoobiya.

Dhinaca kale waxaa caadi ku soo laabtay ganacsigii iyo isu socodkii magaalada Jigjiga oo todobaad marti gelisay xiisad colaadeed oo sababtay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook