DAAWO Ururka ONLF oo doonaya inay qabtaan Hogaanka DDSI

Ururka ONLF ayaa sheegay inay ku dhowaaqeen xabbad joojin iskood ah ilaa inta heshiis rasmi ah oo lagu dhammeeyo colaada lala gaarayo dawladda Itoobiya.

ONLF war saxaafadeed ay soo saartay ayey ku sheegtay in xabbad joojintan ay bilaabanayso maanta oo ah 12-ka Ogosto sanandka 2018-ka laga bilaabo 12-ka duhurnimo.

ONLF Waxay ugu baaqday dawladda Itoobiya inay iyada qaaddo tallaabadaasi oo kale ayna ka harto tallaabooyin boqongoyn kara hannaanka nabadeed.

Dawladda Itoobiya ayaa bishii hore ka saartay liiska argagixisada ururka ONLF iyo laba urur oo kale.

ONLF waxay soo dhowaysay tallaabooyinka niyad wanaagga leh ee dawladda Itoobiya waxayna sheegtay inay ka go’an tahay inay si nabad ah ku raadiso in lagu xalliyo colaadda gobolka.

Sannadkii 1994-kii ayaa ONLF ay dib u qaadatay hubka kadib markii khilaaf uu soo kala dhexgalay ururka iyo ururka EPRDF ee ay hoggaaminayeen jabhadda TPLF.

Hoos ka dhageyso jawaabta afhayeenka ururka ONLF uu ku jawaabay ka dib markii la waydiiyay in xilka ay doonayaan hogaanka dowlad deegaanka soomalida itoobiya in ay qataan.

 

 

 

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook