Jose Mourinho oo loo Sameeyey ilaalo Hubeysan +SAWIRRO

Macalinka Manchester United Jose Mourinho oo ku soo laabtay dalka England ayaa la arkayey Ciidamo si gooni ah u ilaalinaya kadib markii sida lasheegay lasoo gaarsiiyey fariimo hanjabaad ah.

Jose Mourinho ayaa lasheegayaa in ilaa Gurigiisa ay geeyeen Ciidamo amaankiisa suga waxaana looga baqay sida lasheegay Taageerayaasha Manchester United oo aan ku qanacsanayn qaab cayaareedkiisa iyo sidoo kale hadalo uu ka jeediyey Warbaahinta.

Ninkaan ayaa lasheegayaa in aan lahubin mustaqbalkiisa Manchester United kadib markii ay iskugu darsamaeen dhawr arimood oo ay ka midyihiin Natiijo Xumida uu ka keenay Cayaarihii Maraykanka suuqa kala iibsiga oo uu ku fashilmay Cayaartoy badan oo uu doonayey Taageerayaasha Naadiga oo dalbaday in xilka laga qaado weliba si deg deg ah.

Mourinho ayaa waxaa ilaalo qaas ah ka hayey Ciidanka amaanka kadib markii uu ka soo baxay Garoonka diyaaradaha Magaalada Manchester waxaana ay geeyeen Gurigiisa kadib markii looga baqay in ladilo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook