labada waddo ay Real Madrid ku iibin karto Modric

Kooxda Real Madrid ayaa weli ka madax adeegeysa inay si sahal u lumiso laacibkooda khadka dhexe ee Luka Modric kaasoo Inter Milan rabitaan xooggan ka helaya.

Maalinta berri ah ayaa ay kala caddaan doontaa arrinta xiddiggan marka ay kulmaan isaga iyo Madaxweyne Florentino Perez.

Los Blancos ayaa iska diiddan inay Modric ku iibiyaan lacag ka yar €750m, balse Inter Milan ayaa u muuqata mid aanan aqbali karin inay qiimahaas wax ku iibsadaa.

Wararka qaar ayaa qaba in Kabtanka Croatia uu doonayo ku biiritaanka Nerazzuri, waxaase haddii uu caddeeyo rabitaankiisa ah inuu dhaqaaqo ay kooxda reer Spain go’aansan doontaa inay hoos u dhigto qiimaha iibkan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook