Rabshado maanta ka bilowday Diri-Dhabe

Wararka ka imaanaya magaalada Diri-dhabe ayaa sheegaya in rabshado la mid ah kuwii shalay ka dhacay magaalada Jigjiga ay halkaas qarxeen.

Rabshadaha ayaa la sheegay in ay ka bilowdeen aafadda Ashawa waxaana irdaha loo laabay goobaha ganacsiga ee ku yaalla oo la yiraahdo suuqa Ashawa.

Wararka waxa ay sheegayaan in rabshadahaas oo u dhaxeeya dhallinyaro Soomaali ah iyo qaar ka soo jeeda qowmiyadaha kale ee Itoobiya ayaa la sheegay inay ku fideen meelo kale oo ay ka mid tahay xaafad la yiraahdo Xaafad Ciise.

Xaalad fowdo iyo jahawareer ah ayaa laga soo sheegayaa inay magaalada Diri-dhabe ku jirto, ayadoo hadba dhinac la isu eryanayo.Dhallinyarada rabshadaha wada ayaa ku hubaysan budhadh, baangado, faasas, middiyo IWM.

Dad goob joogeyaal ah waxay sheegeen in boolis ka tirsan federaalka Itoobiya ay magaalada soo galeen si ay u kala dhex galaan oo ay u kala eryaan dadka rabshadaha wada.

Gaadiidka caadiga ah ee magaalada iyo kan dadweynaha ayaa gebi ahaanba istaagay. Inkastoo uu khasaare jiro, misna lama hayo tiro sheegaysa dhimasho iyo dhaawac.

Dhinaca kale xaalada magaalada Jig-jiga ayaa ah maanta mid degen kadib markii shalay banaanbaxyo rabshado wata ay ka dhaceen.

Waddooyinka waaweyn ee magaalada Jig-jiga ayaa waxaa lagu arkayaa maanta ciidamo Boolis ah oo aan hubeysneyn.

Qaar kamid ah dadka ka soo jeeda qowmiyadaha kale ee aan Soomaalida ahayn ayaa lagu arkay wadooyinka magaalada kadib markii shalay iyo xalay la weerarayay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook