Real Madrid oo dacwad kagudbisay Inter Milan

Kooxda Kubada Cagta Real Madrid ayaa lasheegayaa in ay dacwad u gudbineyso Xiriirka kubada Cagta qaarada yurub ee magaciisa loosoo gaabiyo UEFA dacwadaas oo ka dhan ah Naadiga Inter Milan ee dalka Talyaaniga.

Real Madrid ayaa ka walaacsan Mustaqbalka Cayaaryahankeeda Khadka dhexe ee Luka Modric kadib markii uu sheegay in uu ka dhaqaajin doono dalka Spain kuna biiri doono Inter Milan.

Maamulka Real Madrid ayaa aaminsan in kooxda Inter Milan ay si sharci daro ah ula Xiriireen Cayaaryahankooda kana dhacaadhiciyeen in uu ku soo biiro Naadigooda waxaana warqad cabasho ah ay gudbin doonaan UEFA iyaga oo doonaya in talaabo laga qaado kooxda Talyaaniga.

Kabtanka dalka Croatia Luka Modric ayaa isniintii shir uu laqaatay Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez waxa uu wejiga ka saaray runta ah in uusan dooneyn Real Madrid kuna biiri doono Inter Milan oo u soo bandhigtay heshiis 4 sano ah oo uu Xiligiiba ku qaadan doono 10 Milyan oo lacagta yurub ah.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook