Saameynta Imaaraadka Carabta ee Geeska Afrika oo xoogeysatay

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa qorshaynaysa in ay dhisto dhuumo saliideed oo isku xira dalka Eritrea iyo dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya sidda ay shaaciyeen Warbaahinta dowladda Itoobiya.

Tan ayaa muujinaysa in ay tahay mid sii kordhinaysa saameynta dowladda Imaaraadka Carabta ee Geeska Afrika.

Dowladda Ethiopia waxay bilowday inay soo saarto Saliid tijaabo ah oo laga helay kaydka dowlad degaanka Soomaalida bishii Juun waxaana ay u baahan tahay in loo maro Eritrea si ay u dhoofiso.

Itoobiya ayaa markii ugu horeysay ka warbixisay qorshaha dhuumaha Saliida laga bilaabo Jimcihii ka dib kulan ka dhacay Addis Ababa oo u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Reem Al Hashimy, wasiirka arimaha dibada ee Imaaraadka Carabta.

Imaaraadka Carabta ayaa kaalin muuqata ka qaadatay taageerada Itoobiya iyo Ereteria si loo soo afjaro dagaalkii 20-kii sano ee la soo dhaafay ka dhaxeeyay Labadda dal.

Hashimy, oo bishii hore si rasmi ah loogu aqoonsaday hoggaaminta siyaasadda UAE ee hoggaanka Afrikada Saxaraha hoose, ayaa sheegtay in kulanka Abiy Ahmed ka dib in UAE doonayso in ay ka faa’iidaysto fursadaha maal-galinta ee Itoobiya, islamarkaana ay ku bixin doonto 100 Milyan si kor loogu qaado dhaqaallaha Itoobiya.

Wakaaladdaha Caalamka ayaa qoraya in taageeradda Imaaraadka ee Itoobiya ay xoogeysatay ka dib markii uu xumaaday xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Wadda Ololo ka dhan ah dowladdaha Soomaaliya iyo Jabuuti ka dib markii ay diideen maalgalinta Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook