Somaliland oo kuhanjabtay inay xiri doonto mas’uuliyiintii hore ee DDSI

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Maamulkiisa ay la socdaan dhaq-dhaqaaqyada iyo isbadalada kasoo cusboonaaday dhulka Soomaalida ee Itoobiya.

Waxa uu sheegay in Madaxda iyo Saraakiisha Dowlad Deegaana Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee dooneysa in ay tagaan Deegaanada Maamulkaasi ay kusoo gudbi karaan Ogolaanshiyo ay ka heystaan Somaliland.

Ciidamada ayuu ka dalbaday in ay ka feejignaadaan in ka indho laabtaan shaqsiyaad baxsad ah in ay gudaha Somaliland usoo talaabaan sida uu hadalka u dhigay.

Xuduudda ugu dheer ee Maamulkiisa ayuu tibaaxay in ay la leeyihiin Itoobiya, Qalalaasaha ka jirana uu si fudud u saameyn karo waa hadii aan laga hortagin.

Ciidamada waxa uu ku tilmaamay in ay si wanaagsan u howlgalayaan, arrintaana uu ku xaqiijiyay kadib kormeer uu ku tagay goobaha ay ka howlgalaan.

Dadka aan ku lug laheyn Siyaasadda Dowlad Deegaanka, Haweenka iyo Carruurta ayuu sheegay in ay ula dhaqmi doonaan hab ka duwan Saraakiisha iyo Madaxda Maamulka, ayna soo dhaweynayaan dadka aan ku lugta laheyn Jahawareerka Siyaasadeed ee taagan sida uu sheegay.

Maamulka Somaliland ayaa kordhiyay Ciidamada ka howlgala Xuduudda Xigta Dhanka Itoobiya, kadib Todobaadkii hore qalalaase siyaasadeed oo ka dhacay Magaalooyinka Jigjiga iyo Diridhabe.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook