Soomaaliya oo lasafatay Sacuudiga, xilli khilaaf uu kala dhaxeeyo Canada

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay khilaafka dhanka diplumaasiyadeed ee u dhaxeeya dalalka Sacuudiga iyo Canada.

Goor sii horraysay, ayaa Wasiirka Arrimaha dibadda Sacuudiga, Adel al-Jubeir, waxa uu Canada ku eedeeyey faragalin arrimaha gudaha ah iyadoo Canada ay adeegsanayso dad u dhaq dhaqaaqa xuquuqda haweenka oo ku sugan Sacuudi Carabiya.

Iyadoo arrintaa ka falcelinaysa, xukuumadda Riyaad waxay eriday safiirkii Canada waxay kaloo hakisay iswaydaarsiga barnaamijyada dhanka waxbarashada.

Warsaaxafadeed ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda garab taagan tahay dowladda Sacuudiga.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay xaaladihii ugu dambeeyay ee ku soo kordhay xiriirka Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo Canada.” Ayaa lagu yiri Qoraalka.

“Iyadoo laga ambaqaadaayo arrinkani, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa taageeridda mowqifka diidmada ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee faragelin dibadeed oo lagu sameeyo arrimaheeda gudaha, iyadoo la tixgelinayo mabda’a aan oggolaanayn faragelin ee lagu caddeeyay Axdiga Qaramada Midoobay, oo ay ku jirto gobonnimadeeda iyo madax bannaanida go’aan gaariddeeda iyo waxa ay jideyso oo ah siyaasado ama habab garsooreed oo xiriir la leh shuruucdeeda qaran.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay rajeyneysaa Riyadh iyo Ottawa inay ka gudbaan khilaafaadkooda si xiriirkoodu u sii socdo oo saldhig u ah kalsooni iyo xushmad is dhaafsi.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Soomaaliya oo lasafatay Sacuudiga, xilli khilaaf uu kala dhaxeeyo Canada”

  1. NuurkaNederland says:

    NUURKA.
    POLITICAL ANALYST.
    NAAGTAAN AFKA WEYN EE SACUUDIGU XIREY EE SACUUDIYADA AH WAXAY XARAMEYNKII LA TIMI (GBLT=GENDER). WAXAY XARAMEYNKII LA DHEX TIMI WAX LAGA YAQYAQSOODO OO LOOSOO DHIIBEY.
    OK, KUWA DUNIDAN MAANTA HOR BOODA WAXAY PLAN A KADHIGTEEN WEERARKA DIINTA ISLAAMKA.
    OK, CANADADAN LEH XUQUUQ BAAN U DOODAYAA HA KA HADASHO KUWA DHIIGA KU QUBAYSTA EE UU UGU HOREEYO NATANYAHU, D.TRUMP, BUSH,BALEER, UHUD BRAK,PUTIN IWM.
    DUNIDAN MAANTA KII GUBAY QABSADAY CIRAQ, SOMALIYA, LIBIYA, YEMEN, AFGAAN, SURIYA, FALASTIIN BAA HADANA XUQUUQ U DOODA!.
    WAA WAX LAGU QOSLO.
    BAROORTU ORGIGA KA WEYN.
    D I G N I I N.
    ISIS=ISRAELI SECRET INTELLIGENCE SERVICE.
    ISIS LEADER ABUBAKR ALBAGHDADI EX NAME ELLIOTE SHIMON 100% HE WAS MOSSAD AGENT ISN’T MOSLIMS, SURE.
    ARGAGAXISO OO DHAN WAXAY HOOS TAGTAA WASHINGTON DC & TEL AVIV.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook