Suuqa kala iibsiga Premier League oo Xirmay

Waxaa Goordhow lasoo gaba gabeeyey guud ahaan kala iibsiga Cayaartoyda Gaar ahaan horyaalka Premier League kaas oo lagu fuliyey sharci cusub oo ka duwan kan wadamada kale ee qaarada yurub.

Hadaba iyada oo u xirmay suuqa kala iibsiga Cayaartoyda England ayaa hadana waxaa jira in laga qaadan karo kooxaha Premier League Cayaaryahankii doonaya in uu u dhaqaaqo Horyaalada kale ee yurub sida Talyaaniga Spain Jarmalka waxaana suuqa Horyaaladaas uu xirmi doonaa sidii Caadada ahayd 31 ka bishaan.

Cayaartoyda Paul Pogba iyo Eden Hazard ayaa lasheegayaa in ay macquul tahay in ay ku kala biiraan kooxaha Real Madrid iyo Barcelona mana fadhiyo mustaqbalkoodu sida ay daabacayaan Wargeysyada ka faalooda Cayaarta Kubada Cagta waxaana ay Wareegi karayaan kahor 31 ka bishaan.

Labadaan Cayaaryahan oo ka mid ah kuwa ugu fiican ee ka Cayaara Horyaalka England ayaa lasheegayaa in aysan ku qanacsanayn qaab cayaareedka kooxahooda waxaana Barcelona ay aad ugu dhowdahay in ay lawareegto Paul Pogba oo gadood ah falsafada Macalin Jose Mourinho.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook