Wasiirka arrimaha Dibada oo sharxay Sababta Sacuudiga ay u Garab istaageen +COD

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sharaxay muhiimada Warsaxaafadeed maalin ka hor Wasiiradiisu ay soo saartey, oo ku aadan Xiisada Sucuudiga iyo Canada ka dhaxaysa, Kaasi oo u Muuqday in dowladdu taageertay Sacuudiga.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in xukuumaddu aysan sigaar ah u taageerin Sacuudiga laakin mowqifkoodu uu yahay in xal la gaadho.

Waxa uu sheegay Wasiirku isaga oo la hadlayey Idaacadda BBC-da in dowladda Soomaaliya aysan shaacin hadalo ay ka cadhoon karto dowladda Canada balse ay cadeysay in khilaafka Sacuudiga iyo Canada wadahadal lagu dhameeyo.

Dad badan oo siyaasada la socda ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay ku dhaliileen Warsaxaafadeedkii ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibada,isla markaana ay faraha la gasho arrimaha labada dowladood ee Sacuudiga iyo Canada.

Gudaha asbuuca aan ku jirno Wasiirka Arrimaha dibadda Sacuudiga, Adel al-Jubeir, waxa uu Canada ku eedeeyey faragalin arrimaha gudaha ah iyadoo Canada ay adeegsanayso dad u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka oo ku sugan Sacuudi Carabiya.

Sidoo kale iyadoo arrintaa ka falcelinaysa, xukuumadda Riyaad waxay eriday safiirkii Canada waxay kaloo hakisay iswaydaarsiga barnaamijyada dhanka waxbarashada iyo Caafimaadka.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook