Aqal Sare oo ergo udiraya Maamul Goboleedyada (Akhriso Magacyada)

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saaray Liiska wafuuda u tagaya deegaanada maamul goboleedyada xasilinta khilaafka dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka.

Qoraal uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa lagu magacaabay min 10 xubnood oo ka tirsan Senatarada Aqalka sare iyo labo howlwadeeno ah oo loo dirayo xarumaha maamul goboleedyada.

Liiska ugu horeeyay ayaa waxaa hoggaaminaya wafdiga loo dirayo dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa hoggaaminaya Sen. C/raxmaan Faroole oo aan muddo soo xaadirin Kalfadhiyada Aqalka sare, balse muddooyinkii u dambeeyay fadhigiisa ahaa Garowe.

Sidoo kale waxaa Wafdiga loo dirayo Dowlad goboleedka Galmudug waxaa hoggaaminaya Sen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid,

Halka wafdiga loo dirayo Koofur Galbeed uu hoggaaminayo C/llaahi Cabdi Garuun.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare Abshir Bukhaari ayaa hoggaamin doona wafdiga u ambabaxaya magaalada Kismaayo ee maamul goboleedka Jubbaland.

Waxaa kaloo Wafdiga u ambabaxaya dowlad Goboleedka Hishabeelle hoggaamin doona Sen. Maxamed Xuseen Raage

Halkan hoose ka akhriso Liiska wafuuda loo dirayo Maamul goboleedyada:-

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook