Cabdi Iley oo Maxkamad la soo taagay+COD

Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta la soo taagay maxkamad ku taal magaalada Addis Ababa, isagoo ku eedeysan fal dambiyeed ka dhan ah bani’aadanimada intii uu hayay talada maamulka deegaanka Soomaalida.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Maxkamadda lala soo taagay xubno ka ka tirsanaa maamulkiisa hore, waxaana la bilaabay dhageysiga dacwada loo heysto

Kaaliyadda Maxkamadda ayaa la sheegay inuu su’aalo weydiiyay Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubnaha la xiran waxyaabaha ay ka cabanayaan oo ah haddii ay jiraan jirdil loo geystay.

Wararka ayaa sheegaya in Cabdi Maxamuud Cumar uu dalbaday in loo hagaajiyo cunnada la siiyo, waxaa uu tilmaamay in wax laga qabto in hanjabaad ay kala kulmaan ciidanka gacanta ku haya xabsiga uu ku xiran yahay.

Xeer Ilaalinta Itoobiya ayaa 14 cisho dheeraad ah siisay dacwad oogayaasha inay ku soo dhameystaan dacwada lagu soo oogay, si ay u soo dhameystiraan Kiiska Qabyada ah.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook