France oo dharbaaxday Holland+SAWIRRO

Xulka qaranka France ayaa hooggaanka u qabtay Group 1-aad ee League A, ka dib afar dhibcood oo ay aruursadeen laba kullan.

France ayaa billawday inuu ciyaarta kusoo gasho dardar iyo weerar, iyadoo dharbaaxada koowaad ku dhufatay.

Daqiiqaddii 14-aad ee kullanka ayaa Holland waxaa ku billaabay gool Kylian Mbappe oo shabaqa ku leexiyo kubbad uu soo salaxay Blaise Matuidi.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay natiijo 1-0 ah oo ay Faransiisku hooggaanka ku hayeen.

Markii la iso soo laabtay ayay xulka qaran Netherlands heleen goolka bareejada oo ay uga mahad celinayaan Ryan Babel kubbad uu ka shaqeeyay Tette daqiiqaddii 67-aad.

Iyadoo ciyaarta ay ka harsantahay keliya 15 daqiiqo ayaa ay France kusoo laabatay hooggaanka iyagoo gool ka helay Olivier Giroud kaasoo ka baxay abaarta gool la’aanta ee xulka Les Bleus.

Waxaa lagu tilmaami karaa goolkii ugu quruxda badnaa ee ciyaarta, maadaama uu si xoog leh kubbad geesta uu ka keenay Benjamin Mendy lugta bidix u qabadsiiyay iyadoo ku socota joog dhexe.

Natiijada ciyaarta ayaa ku idlaatay 2-1 oo ay ku adkaadeen France oo caawa marti gelisay xulka Oranges ee Holland ciyaar ka tirsanay League A Groupkiisa 1 ee tartanka UEFA Nations League-ga.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook