Guddiga doorashadda Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo la magacaabay+SAWIRO

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ee ku sugan Dhuusamareeb ayaa maanta ka dooday mooshinka laga keenay Madaxweyne kuxigeenka Maxamed Xaashi Carabey.

Xildhibaanada qaar ayaa u soo jeediyay eedeymo la xiriirta xil gudasho la’aan iyo in Madaxweyne kuxigeenka ku xadgudbay dastuurka.

Maalinta berri ayaa la filayaa in cod loo qaado mooshinka kalsooni kala noqoshada we laga keenay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey.

Dhinaca kale Guddoomiye kuxigeenka 1aad Xareed Cali Xareed ayaa ku dhawaaqay in la sameeyay Guddiga doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka, isagoo tilmaamay in la dhisay Guddi ka kooban 11 xubnood, kuwaasoo ka soo shaqeynaya howlaha doorashada.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug qeybta ku sugan Dhuusamareeb ayaa khamiistii la soo xilka ka qaaday Guddoomiyihii Baarlamaanka Cali Gacal Casir, iyadoo qeybta kale ee Cadaado ku sugan ay sheegeen inay xilka ka qaadeen Madaxweyne Xaaf.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook