Juventus oo dirqi kaga badisay Frosinone

Kooxda Kubada Cagta Juventus ayaa Guul ka soo qaadatay Garoonka kooxda Frosinone Guushaas oo ahayd mid muhiim ah in kasta oo ay ku dhibtoodeen.

Juventus ayaan wax Gool ah dhalin ilaa laga gaaray 81 daqiiqo markaas oo Cayaaryahankooda Cristiano Ronaldo uu dhaliyey Goolkiisii koobaad halka Goolka labaad uu raacsaday Federico Bernardeschi waqtigii dheeriga ahaa ee cayaarta.

Waa kulankii labaad ee Xiriir ah ee uu Gool u dhalinayo Juventus Cayaaryaahnkii hore ee Real Madrid Cristiano Ronaldo in kasta oo Calamaada Casaanka ah lasiiyey kulankii ka horeeyey ee koobka Horyaalada yurub.

Juventus ayaa wada Record Boqolkiiba boqol ah iyaga oo badiyey dhamaan shantii Cayaarood ee ay dheeleen Xili cayaareedkaan markale ayaana loo saadaalin karayaan in ay ku Guuleysan doonaan Horyaalka Talyaaniga.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook