Liverpool iyo Chelsea oo 1-1 ku kalatagay +SAWIRRO

Liverpool ayaa xili dambe ka diiday dhigeeda Chelsea inay guul garaato markii barbaro 1-1 uu ku idlaaday kulankii labada naadi ku dhexmaray garoonka Stamford Bridge.

Kulanka ayaa qeybta hore lagu kala maray 1-0 oo ay ku hogaanimeysay naadiga Chelsea.

Markii cayaartu socotay daqiiqadii 25-aad Edan Hazard ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Blues kaddib kubbad baas qurxoon oo ay soo wada cayaareen xiddiga Kovacic iyo jorginho ugu dambeyn Hazard ayaa banooni dhaafiyay goolhayaha Liverpool.

Reds dhankeeda ayaa mar ku dhawaatay in goolka lagu hor kacayo ay barbareeyaan balse kubbad uu si weyn u xoogsaday Mohamed Salah ayaa waxaa goolka oo maray dibadda u saaray daafaca Antonio Rudiger.

Dib markii loogu soo laabtay Kaambiyaha Dambe Liverpool ayaa cadaadis xoogan saartay dhigeeda Chlesea iyadoo fursad muhiima uu lumiyay laacibka Sedio Mane.

Chelsea ayaa markale dheereeysan kartay hogaanka dheesha kaddib kubbad uu waji ka waji ula tagay goolhayaha laacibka Hazard.

Markale kooxda Liverpool ayay soo martay fursad ay barbaro ku heli lahaayeen kaddib kubbad la is tusiyay Xherdan Shaqiri iyo goolka balse uu banaanka mariyay laacibka Switzerland.

Cayaarta oo socota daqiiqadii 88-aad Liverpool ayaa la timid goolka bareejada waxaana goolka Chelsea darbad xoogaan oo fogaan dheera ka toogay Daniel Sturridge oo badal kusoo galay cayaarta.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook