Xildhibaan Boorow oo gacanta bidix ku waayey qaraxii xalay +SAWIRRO

Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa la sheegay in dhaawac culus uu ka soo gaaray qarax loogu xiray gaarigiisa oo Xalay fiidkii ka dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday darawalka Xildhibaanka, waxaana gaariga uu noqday mid gebi ahaanba gubtay.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dhaawaca xildhibaanka uu xooggiisa yahay qeybta dambe ee jirkiisa.

Xildhibaanka ayaa markii hore dhaawac ahaan loo geeyay Isbitaal maxali ah oo ku dhow agagaarka Guriga Hooyooyinka, waxaana wararku sheegayaa in mar dambe laga saaray, lana geeyay isbitaalada waa weyn ee magaalada Muqdisho.

Sawirro laga soo qaaday gaariga ayaa muujinaya in gaariga uu qeybta dhexe uu aad uga gubtay, loona maleynayo in qaraxa ay aheyd halka lagu diyaariyay.

Gaariga ayaa noociisa ahaa Toyoto Hillux oo ay Soomaalidu u taqaano Qooqan, waxaana ay tahay arrin cusub in gaadiidka loo yaqaano Qooqan ee dusha ka saaran yihiin Ciidamada in qarax lagu xiro.

Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow ayaa ka mid ahaa Xildhibaanada laga soo doortay deegaanada Koofur Galbeed, waxaa la sheegay inuu horay uga soo mid ahaa Baarlamaanadii dalka soo maray.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook