Barcelona oo 5-1 kudhufatay Real Madrid+SAWIRRO

Kooxda Kubada Cagta Barcelona ayaa bahdishay Real Madrid kulankii El Clasico ee ka dhacay Garoonka Nou Camp kaas oo ay Goolal badan kaga dhaliyeen sidoo kalana kaga gacan Sareeyeen si aan caadi ahayn.

Real Madrid ayaa u muuqatay markii Cayaartu bilaabatayba kuwo aad u liita isla Markaana u muuqda kuwo daalan waxaana Barcelona ay ku qaadatay Waqti gaaban in ay Goolka koobaad dhaliyaan waxaana Saxiixay Xiddiga dalka Braziil ee Philippe Coutinho Barcelona oo Guushu ku raacday 5-1 ayaa Sadex ka mid ah Goolashaas waxaa dhaliyey Xiddiga Luis Suarez halka Goolka uu dhaliyey Arturo Vidal oo badel ku soo galay qaybta labaad.

Goolka agoonka ah ee Real Madrid waxaa dhaliyey daafaca dalka Braziil ee Marcelo kaas oo ugu danbayn ku baxay dhaawac muruqa ka soo gaaray waxaana lasheegayaa in Saacado kooban kadib Maamulka Real Madrid kud hawaaqi doonaan in ay shaqadii ka cayriyeen Macalin Julen Lopetegui kaas oo markii horeba ulo booc loogu kutubayey.

Luis Suarez ayaa Kulanka El Clasico ka ahaa Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo. kuwaas oo ka maqnaa markii koobaad 11 Sano kadib.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook