Barcelona Oo Camp Nou Ku Dubatay Sevilla +SAWIRRO

Barcelona ayaa dib ugu soo laabtay tubta guusha horyaalka La Liga kadib markii ay Camp Nou ku dubatay kooxda hogaanka La Liga soo haysay ee Sevilla. Barcelona ayaa awooday in ay dhulka dhigto kooxda xaalada cajiibka ah ku soo jirtay ee Sevilla iyada oo waliba kooxda Valverde dib ula wareegtay hogaanka horyaalka ay koobkiisa difaacanayso ee La Liga.

Barcelona ayaa si buuxda uga faa’iidaysatay guuldaradii Real Madrid ka soo gaadhay Levante iyo waliba barbarihii ay Atletico Madrid la gashay kooxda Villarreal waxayna hadda Barca heshay fursad ay kaga soo kabsatay xaaladii xumayd ee ay La Liga ku soo martay.

Coutinho iyo Lionel Messi ayaa Barcelona qaybtii hore ee kulankan ka caawiyay in ay si buuxda ciyaarta u maamushay maadaama oo ay laba gool oo deg deg ah dhaliyeen laakiin waxaa Camp Nou gilgilay dhaawac Lionel Messi soo gaadhay.

Luis Suarez ayaa qaybtii labaad ee ciyaarta raacsaday goolka saddexaad oo rekoodhe qaladkiisa isaga lagu galay ahaa laakiin kooxda Sevilla ayaa dhaamaadkii ciyaarta keensatay goolkeeda furitaanka waxaana u dhaliyay Pablo Sarabia laakiin Ivan Rakitić ayaa Sevilla uga dhaartay in ay soo laabasho ku hamiyaan isaga oo goolka afraad ee Barca dhaliyay goolasha ayaa sii socday waxayna Sevilla goolka labaad heshay daqiiqadihii dheeriga ahaa ee ciyaarta iyada oo Luis Muriel uu goolkan waqtigiisii ka soo daahay dhaliyay.

Barcelona ayaa guushan dahaiga ah ku gaadhay 4-2 iyada oo fariin cusub u dirtay kooxda ay kulanka soo socda ee La Liga wada ciyaari doonaan ee Real Madrid inkasta oo Barca ay ka walwalsan tahay xaalada dhaawaca Lionel Messi.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook