Dilkii Suxufi Jamal Khashoggi oo cadeemo buuxda loohelay

Xog ay bixiyeen saraakiisha amaanka ee dowlada Turkiga ayaa sheegaya inay heleen cod iyo muuqaal cadeenaya in Sirdoonka Sacuudiga ay Qunsuliyadooda Istanbul ku dhex dileen suxufi Jamal Khashoggi.

Qaar kamid ah Warbaahinta Dowlada Turkiga ayaa xaqiijiyey in si qarsoodi ah laamaha amaanka u tuseen qaar kamid ah muuqaal iyo cod laga duubay jirdilkii iyo dilkii loo geystay suxufigaasi oo la sheegay in lagu dhex dilay Qunsuliyada Sacuudiga ku leeyahay Istanbul 2dii bishan Oktoober.

Cadeyntan ayaa la sheegay in laga helay Saacada uu watay Suxufi Jamal oo ku xiriirsaneyd telefoonkiisa oo uu usii dhiibay xaaskiisa intuusan gelin xarunta Qunsuliyada.

Sida ay sheegayaan warbaahinta xiriirka dhaw laleh dowlada Turkiga muuqaalka iyo codka ay saacadaasi duubtay lagana helay telefoonka Suxufi Jamal Khashoggi iyo akoonkiisa telefonka Appel ayaa la sheegayaa in ay ku jiraan cododka su’ aalo ay weydiinayaan sirdoonka, qeylo iyo waliba jirdilkii loo geystay suxufiga kahor intaan la dilin. Balse xogtan iyo cadeyntan maaha mid weli ay baahiyeen laamaha amaanka ee Turkiga.

Warbaahinta Turkiga ayaa horey u shaaciyey sawirada kooxda ka timid Riyadh ee la sheegay inay dileen suxufiga.

Turkiga ayaa codsaday in loo ogolaado inay baaraan Xarunta Qunsuliyada iyo Guriga uu degen yahay Qunsulka Sacuudiga ee Istanbuul, balse weli baaritaankan ma dhicin.

Waxaa isa soo tareysa cadaadiska saaran dowlada Sacuudiga iyo Dhaxal Sugaha Maxamed Bin Salman, qaar kamid ah Xildhibaanada Maraykanka ayaa ku baaqay in cunaqabateyn lagu soo rogo Boqortooyada Sacuudiga.

Guddiga Kongareeska Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Dibada ayaa sheegay in loo baahan yahay in tilaabo adag laga qaado Qoyska Boqortooyada Sacuudiga hadii lagu cadeeyo falkan dilka ah.

Dhinaca kale waxaa durbaba soo baxaya in Shirkado iyo Ganacsato waaweyn ay xiriirka u jareen dowlada Sacuudiga, kuwaasi oo lagu waday inay ka qeyb galaan shirweynaha Ganacsiga ee Boqortooyada Sacuudiga qorsheenaysay inay dalkeeda ku qabato dhamaadka bishan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook