Dowlad Goboleedyada oo shir ku yeelanaya Garowe

Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan tobanka bishan aynu ku jirno magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland.

Kulankan ayaa lagu wadaa inay ugaga wada hadlaan xaaladihii ugu dambeeyay ee ka soo cusboonaaday xiriirka ay la leeyihiin dowlada federalka Soomaaliya.

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa kulan ay ku yeesheen bishii la soo dhaafay waxa ay ku sheegeen inay hakiyeen xiriirka ay la lahaayeen dowlada federalka.

Hase yeeshee guddi ka socda Aqalka Sare ayaa booqasho ku tegey xarumaha dowlad goboleedyada iyagoo la kulmay madaxda dowlad goboleedyada hase yeeshee wax horumar ah kama dhalan kulamadaas.

Si kasta ha ahaatee, magaalada Nairobi ayaa waxaa kulamo ku yeeshay qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada dalka iyo wakiilo ka socoday beesha caalamka balse lama shaacin waxyaabihii laga wada hadlay iyo natiijooyinkii ka soo baxay kulamadaas.

Lama oga in kulankan ka dhici doona magaalada Garowe toddobaadkan inuu ka qeybgali doono Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo dhowaan heshiis la galay dowlada Federalka,waxana uu kulan ku soo beegmayaa iyadoo qalqal siyaasadeed uu ka dhex jiro maamul goboleedka Hirshabelle.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook