Duufaan xoogan oo kusoo wajahan Soomaaliya

Xarunta digniinada ka bixisa duufaannada ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in duufaan laga cabsi qabo in ay waxyeelo geesato in ay kusoo wajahan tahay dalal ay ku jirto Soomaaliya.

Duufaantan oo loogu magac daray Luban ayaa la sheegay in la filayo in maalinta Jimcaha ku dhufato dalka Cumaan ayna sabtida uga sii gudubto dalka Yaman , waxaana duufaantan la sheegay Yaman kadib in ay usii gudbi doonto Soomaaliya.

Xarunta digniinada kasoo saarta Duufaanta ayaa sheegtay in duufaanta Luban ay wadato roobab xoogan , waxaana xaruntan heerka duufaanta kusoo wajahan dalalka Cuman , Yaman iyo Soomaaliya ku sheegtay heerka 1-aad.

Qoraal kasoo baxay xaruntan ayaa la sheegay in duufaanta xoogeeda uu yaraan doono marka ay soo gaarto dalalka Cuman iyo Yaman, waxa ayna xaruntu sheegtay in roobka xoogan ee duufaanta la socoto ay dhalin karaan khasaaro.

Duufaantan Luban ayaa lagu wadaa in ay cirifka bari ee Soomaaliya ku dhufato saacadaha hore ee Axadda, ayadoo dabaylahana la qiyaasayo in xoogoodu uu noqon doono kuwo ilaa 60 mayl saacaddiiba ku socda.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook