Goboleedyada iyo Beesha Caalamka oo ku shiraya Nairobi

Madaxda maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa inay kulan kula yeeshaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya madax ka socota beesha Caalamka iyagoo ka wadahadlaya sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhexeeya madaxda dowlad goboleedyada iyo Dowlada Federalka.

Madaxda maamul goboleedyada Puntland, Koofurgalbeed iyo Jubbaland ayaa haatan ku sugan magaalada Nairobi iyadoo madaxda Hirshabelle iyo Galmudug ay ugaga baaqdeen kulankaas sababo la xiriira is qabqabsi ka jira maamuladooda.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin ajandayasha laga wada hadli doono hase yeeshee waxaa jira warar sheegaya in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ahna Gudoomiyaha Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda uu soo bandhigay dhexdhexaadin ay hor boodayaan Beesha Caalamka iyo IGAD taasoo lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka u dhexeeya Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda iyo dowladda dhexe.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook