Jose Mourinho oo laga Mamnuucay in uu hadlo

Qoyska Maamula Kooda Manchetser United ee Glazer family.ayaa lasheegayaa in ay amar kusiiyeen Jose Mourinho in uusan hadlin kadib muran xoogan iyo hadalo ad adag oo ay is dhaafsadeen Cayaaryahankii hore ee Kooxdaas Paul Scholes iyo Xiriirka FA ga dalka England.

Glazer family ayaa u sheegay Jose Mourinho in uu haysto afkiisa oo uusan cidna u jawaabin sidoo kale waxaa lagu amray in uusan ka hadlin wax aan ka ahayn shaqadiisa kooxda.

Wargeyska The Sun ayaa daabacay in Macalin Jose Mourinho uusan ku qanacsanayn hadalka ka soo yeeray hadalka ka soo yeeray qoyska iska leh Manchester United taas oo keeni karaysa isku dhac kale oo dhexmara labada dhinac.

Jose Mourinho ayaa ku eedeysan hadalo iyo Tilmaamo uu bixiyey Cayaarihii lasoo dhaafay waxaana jirta in uu far taagay kulankii Old Trafford ee Newcastle United ee uu ka soo laabtay 2-0 waxaa kaloo uu ku hadlay hadalo dhawaan uu Go aan ka soo saari doono Xiriirka FA ga.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook