Liverpool oo 4-0 kudhufatay Red Star Belgrade +SAWIRRO

Naadiga Liverpool ayaa guul aysan ku dhibtoon waxay ka gaareen kooxda FK Crvena Zvezda markii ay uga badiyeen 4-0.

Qeybta hore cayaarta ayaa lagu kala maray 2-0 oo ay ku hogaanimeysay Reds, waxaana goolka daah furka u dhaliyay Roberto Firmino halka goolka labaad uu raacsaday Mohamed Salah.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha labaad Liverpool ayaa halkeeda kasii wada kubbadeeda qurux waxayna la yimaadeen laba goolka kale.

Goolka seddaxaad waxaa markale u dhaliyay Mohamed Salah kasoo ahaa rigoore ka hor inta uusan Sedio Mane qasaarin gool ku laad kale.

Balse xiddiga Senegal ayaa ugu dambeyn qaladkiisa saxay wuxuuna soo qatimiyay goolasha afareydaa oo ay caawa guusha ku raacday Naadiga Liverpool kaddib kubbad uu caawinteeda ka helay Daniel Sturridge.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook