DAAWO:-Madaxwayne Xaaf Oo Ku Laabtay Dhuuso Mareeb

Magaalada Dhuuso mareeb Ee Caasimada Galmudug waxaa maanta dib ugu laabtay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf Hogaamiyaha Galmudug oo maalmahaan dalka ka maqnaa.

Shir ayuu sheegay inuusan dhexmarin Axmed Madoobe,Gaas iyo Shariif Xasan balse ay is arkeen uun oo Nairobi mid walbo dantiisa gaarka ah utegay.

Waxa uu sheegay in Kulan uu ka dhacay Magaalada Nairobi,balse uusan sheegin inay Golaha iskaashiga kulmeena ma uusan faah faahin.

Madaxweyne Xaaf waxa uu sheegay inay Isku tashi hadda kadib udiyaar garoobeen,islamarkaana ay qorsheenayaan sidi loo heli lahaa,maamul ahaan inay iyagu wax qabsadaan.

Xaaf waxa uu qiray in weli Dawlada Dhexe ka waayeen Jawaabtii ay ka sugayeen,kadib Shirkii Kismaayo ka dhacay,islamarkaana shaaca ka dhigay inay waxba isbadelin.

Axmed Ducaale Xaaf waxa uu sidoo kale ka hadlay Arinta Cadaado ay ku hayaan Cali Gacal Casir iyo Maxamed Xaashi Carabeey oo siyaasad ahaan uu khilaaf kala dhaxeeyo.

 

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook