Manchester City oo u awood sheegatay Burnley +SAWIRRO

Kooxda Manchester ayaa ka faa’iidaysataya barbarihii ay Cheslealagashay Man United, waxayna si toos ula wareegtay hogaanka horyaalka, kadib markii ay 5-0 ugu awood sheegatay kooxda Burnley.

Manchester City ayaa goolka koowaad oo si xirfadaysay ay uga soo shaqeeyeen Silva iyo mane waxaa lugtiisa bidix ku dhamaystiray Sergio Aguero, waxaana qaybta hore lagu kala nastay 1-0.

Marki laysku soo laabtay waxaa Man City laba gool o sixigtay kuwaa o dhashay daqiiqadihi 54 iyo 56 u kal saxiixay Bernando Silva iyoFernandinho.

Riyad Mahrez oo badal kusoo galay ayaa goolka afaraad ugu shubay , waxana bandhiga goolasha soo qatimay Leroy Sane.

Kooxda Daafacanaysa Horyaalka ayaa 23 dhibcood ku horkacaysa waxaana kusoo xiga Cheslea iyo Tottenham oo min 21 dhibcood leh, halka Liverpool ay 20 dhibcood leedahay waloow uu kulan u harsan yahay.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook