Mo Farah oo markii ugu horeysay ku guuleystey tartanka Orodka Maaratoonka+SAWIRRO

Orodyahanka Soomaaliyeed una orda wadanka Britian Mo Farah ayaa ku guuleystey tartanka orodka maaratoonka Chicago isagoo ka dheereeyay orodyahano caalami ah.

Farah oo tartanka orodka maaratoonka u ahaa kiisii saddexaad ayaa waxaa culeys weyn ku hayay orodyahano ka socday dalalka Kenya iyo Ethiopia kuwaasoo caan ku ahaa orodada maaratoonka hase yeeshee Mo Farah ayaa kiilomitirkii ugu dambeeyay orodkan 42km ah ka dheereeyay orodyahanadii kale gaar ahaan Mosinet Geremew, isagoo jebiyay rikoorkii u yiil orodyahanada maaratoonka ee qaarada Yurub.

“Aad ayay u wanaagsanayd inaan la tartamo ordoyahanada Galen iyo kuwa kalaba,”ayuu yiri Mo kadib markii uu xaqiijistey inuu guuleystey.

“Galen sanadkii hore ayuu guuleystey anigana aad ayay iigu wanaagsan tahay in aan sanadkan ku guuleysto.”

Mo Farah ayaa kaalinta koowaad ku galay orod dhan 2:05:11, halka uu Geremew uu kaalinta labaad ku galay 2:05:24 waxaana kaalinta 3aad soo cariirsadaySuguru Osako orod dhan 2:05:50.

Halka uu Galen Rupp oo ay isku macalin yihiin Mo Farah sanadkii horena ku guuleystey tartanka Maaratonka Chicago ayaa galay kaalinta shanaad isagoo ku orday 2:06:21.

 

 

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook