Qaraxyo dad badan kudhinteen oo Ka Dhacay Baydhabo +SAWIRRO

Ugu yaraan 11 ruux oo shacab ah ayaa la soo sheegayaa iney ku dhinteen, qaar kale oo badana ku dhaawacmeen qaraxyo xoogan oo caawa wax yar ka hor salaadii maqribka ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Qaraxa hore oo ahaa mid ismiidaamin ah ayaa waxaa fuliyey nin la sheegay inuu xirnaa Jaakad miineysan oo isku qarxiyey maqaahi dad fara badan ay ku shaahayeen oo lagu magacaabo Beder, halkaasoo khasaaraha ugu badan uu ka dhacay, iyadoo qaraxa labaad ay wararku sheegayaan inuu ahaa bam gacmeed lagu weeraray hotel Bilan.

Ciidamada amaanka magaalada Baydhabo oo rasaas fara badan cirka u ridayey ayaa xiray goobaha qaraxyadu ay ka dhaceen.

Meydadka iyo dadka dhaawaca ah ee waxyeeladu ka soo gaartay qaraxyadan ayaa waxaa isbitaalka magaalada Baydhabo u daad gureeyey gaadiidka gurmadka deg deg ah ee ambalaasta.

Maamulka koonfur galbeed ayaan ka hadlin weli qaraxyadan, Illaa haddana ma jirto cid sheegatay, inkastoo weerarada noocan ah looga bartay kooxda Al-shabaab oo dagaal daba dheeraaday kula jirta dowlada Somalia.

Qaraxyada ka dhacay galabta Baydhabo ayaa ku soo aaday xilli magaaladaas ay ka socdaan olole doorasho oo ay wadaan musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyadoo dhinaca kale magaalada bilooyinkan dambe ay aheyd mid amnigeedu fiican yahay oo aysan ka dhicin wax qaraxyo ah.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook