Wadahadalkii Nabadda ee Tukaraq oo Bur-buray+COD

Iyadoo oo Ciidamada Somaliland iyo Puntland dhexmaray dagaal Qorshaysan oo gaystay Khasaare kala duwan, ayaa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somaliland sheegay in uu Bur buray wada hadalkii nabadda ee Tukarraq.

Xildhibaan Axmed Maxamed ( Nac-nac) ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay eedeymo kaga yimid dhanka Puntland oo la xiriirta in dagaalka ay ciidankoodu ku horreeyeen.

Wuxuu sheegay in dagaalka uu yimid markii weerar gaadmo ah ay kusoo qaadeen ciidamada Puntland ee ku sugan aagga hore ee jiidaha dagaalka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay meesha ka baxeen dedaalladii nabadda oo beesha caalamka ay ka dhex waddey Labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland, Wuxuuna sheegay in Ciidanka Somaliland Hadii ay Ruqaansadaan ay Garoowe dul tegi doonaan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook