Xildhibaan Nac nac oo dhaar kumaray in Garoowe laga qixidoono+VIDEO

Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ayaa la sheegay inay Nadaafiic ku tuureen Agagaarka Tukaraq oo ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Somaliland iyo Puntland.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliland ayaa ku goodiyay inay jawaab deg deg ah ka bixin doonaan Madaafiicdaas lagu soo tuuray dhankooda waxayna ugu baaqeen Shacabka Garoowe inay isaga barakacaan magaalada Maadaama ay duulaan kusoo qaadi rabaan.
Sharcidejiyaasha ayaa ugu baaqay shacabka ku nool caasimadda goboleedka Nugaal inay isaga barakacaan magaalada iyo daafaheeda, iyagoo sheegay in Somaliland ciidamadeeda dagaal diyaar u yihiin marwalba.
“Xitaa hadii aan dhinaceena [degaanada Somaliland] timaadaan waxba idin yeeli mayno. Kaliya ciidanka iyo inaga nooga dhexbaxa,” ayuu yiri mid kamid ah Xilldhibaanada Arbacadii hadlay.
Mudanayaasha oo soo hadalqaadey socdaal uu dhowaan Madaxwaynaha waqtigu kasii dhamaanayo ee Puntland, Cabdiwali Gaas ku tegay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, ayay ku tilmaameen mid ” daandaansi dagaal ah, oo uu ku qaldanaa”.
“Sababta aanan talaabo u qaadin waxay ahayd inaan caalamka tusno inuu Gaas qaldan yahay. Shacabka Garowe waxaan u sheegaynaa inay ka guuraan magaalada waanu soo soconaa,” ayuu yiri Xilldhibaan kale.
Labadaan maamul oo ay ka dhaxeysa colaad taariikhi ah oo muddo soo jirtay ayaa kasii dartay mudadii uu xafiiska joogay Gaas, oo Puntland geliyay dagaalo badan, oo uu uga tagayo hadda xafiska, maadaama waqtiga ka idlaaday.
Tuulada Tukaraq oo hoostimaada gobolka Sool ayey ciidamada Somaliland dagaal ku qabsadeen bishii January ee sanadkaan, xilli uu Madaxweyne Farmaajo uu booqasho ku joogay Garoowe.
Tan iyo xiligaasi xaalada degaankaan oo ay ka barakaceen dadkii waxay ahayd mid kacsan, waxaana tiro dhowr jeer ah laga soo wariyey inay dhinacyadda isku dhaafsadeen Madaafiicyo dhimasho keenay.
Beesha caalamka ayaa sameysay dedaallo lagu qaboojinayo xiisadda Tukaraq, balse aan lagu guuleysan in la kala qaado ciidamada is hor fadhiya, oo xilli kasta diyaar u ah dagaal inay isaga horyimaadaan.
Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com