Cristiano Ronaldo iyo kooxdiisa Juventus oo laqaban la.yahay +SAWIRRO

Juventus ayaa sii xajisitay hogaanka horyaalka talyaaniga markii ay 2-0 ku dhaaftay SPAL 2013 welina waa guuldarro la’aan.

Kulanka ayaa qeybta hore lagu kala maray 1-0, waxaana hogaanka u dhiibay Bianconeri xiddiga Cristiano Ronaldo oo caawin fiican ka helay Miralem Pjanic.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha labaad Juventus ayaa inta badan heysay maamula dheesha.

Balse kooxda martida ayaa dhankooda sameeyay dhawr jaanis oo goolka ah laakiin ma suuragalin iney helaan barbarha goolka.

Waxaana xaalada kusoo xumeeyay Mario Mandzukic oo goolka labaad u dhaliyay Juve daqiiqadii 60,

Guushan ayaa ka dhigan Juventus iney sii dheereystaan dhibcaha hogaanka waxeyna lee yihiin 37-dhibcood 13-kulan oo ilaa hadda la dheelay horyaalka Italy ee Serie A.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook