DAAWO:-Gudoomiye Yariisoow oo u digay mucaaradka Dowladda

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya anaan laga aqbali doonin in ay xag xagtaan Dowladda sida uu hadalka u dhigay.

Gudoomiye Yariisow ayaa sheegay in Mucaaradka looga baahanyahay in aynan ahaan kaliya Mucaarad buunbuuninaya amni daradda dalka ee looga baahanyahay in ay ahaaaan mucaarad taladooda ku darsada dowladda si loo saxo meelaha wax ka qaldanyihiin.

“Siyaasigii khas wade ah hala soo safto kooxda argagixisada ah ma aqbali doono in dhexdeena uu khaska ka wado oo uu dowladda xagxagto, ha noqon mucaarad kaliya ka hadla dhanka xun iyo amni daraddo in ay dalka ka jirto” ayuu sheegay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisoo).

Waxa uu ugu dambeyntiina sheegay in Shacabka Soomaaliyeed aynan dhag jalaq u siin hadalada mucaaradka iskana kaashadeyn sidii ay amniga kala shaqeen lahaayeen Ciidamada amaanka.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “DAAWO:-Gudoomiye Yariisoow oo u digay mucaaradka Dowladda”

  1. ORIGINO says:

    waa suaale kaligaaa dowladdu saxitaan ma ogoshahAY . MARKII GEEL LOO HEESO DOWLADDU GORAYAY U HEESTAA. WAXAA TUSAALE KUUGU FILAN KHUDBADDII MARIN HABAABINTA EE KOONFURTA SUUDAAN EE FARMAAJO YIRI DOLAD GOBOLEEDYADA WAXAA ISKU HAYSANAA SIYAASADDA ARRIMAHA DIBADDA TAASI WAA BEEN WAAYO DOWLAD GOBOLEEDKU WAXAY KA HADLAAN QODOBO MASIIRI AH SIDA DASTUURKA NABAD GALYADA QAYBSIGA DHAQAALAHA CAALAMKA BIXIYO. DHAQAALAHA CAALAMKA BIXIYO ISAGA IYO KHEYRE AYAA URUURSADAy kuna kaambeen gareeyaan hubka iyo ciidankana waxay uruursanayaan inay dowlAD GOBOLEEDYADA KU BURBURIYAAN. XILLIGAN KALI TALIS KAMA DHAQAN GALI KARO SO MALIYA DADKA WAXAA UGU DOQONSAN KHALADDKII SHALAY GALAY MAANTA KU CELIYO FARMAAJO SHALAY ADEERKII KHALADKUU SAMEEYAY AYUU DOONAYAA INUU DIB USOO BILAABO WAA CADHANIMO TAN UGU WEYN WAX KASUURAGALAYO MA JIRTO. WAXAAD DOONAYSID XAAASKAADA IYO CARUURTAADA LAGU MAAMULAA LAAKIIN QARAN DHAN MAYA MAYA MAYA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook